Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Diiday Inuu Hortago Maxkamadda Caalamiga ICJ Oo Ay Dacwad U Gudbisay Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Dowladda Ruushka ayaan wax qareeno ah usoo dirin dhageysiga dacwad ka timid dowladda Ukraine oo la horgeeyey Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ oo xarunteedu tahay The Hague, Holland.

Xukuumadda Ukraine ayaa dacwadan ku saleysay dooda Ruushka oo sheegay in duullaanka uu qaaday u cuskaday ka hortagida xasuuqa dowlada Ukraine u geysaneyso dadka Ruushka ah ee ku nool gobollada Luhansk iyo Donetsk, arrintaasi oo ay xukuumadda Ukraine beenisay.

Qareenada ka socda Ukraine ayaa maxkamadda horkeenay caddeymaha in dowladooda ayna sameyn wax xasuuq ah sida uu qeexayo sharuucda caalamiga ah, isla markanaa laga doonayo in maxkamada ay ku amarto Ruushka inuu ciidammadiisa kala baxo Ukraine.

Maanta oo Salaasa ah oo lagu waday in la dhageysto garabka Ruushka ayeyna soo xaadirin Qareenada dowlada Ruushka.

Dowlada Ukraine ayaa kiiskeeda ku saleysay Heshiiskii caalamiga ah ee 1948 ee ka hortagida xasuuqa (genocide) oo ay saxeexeen Ruushka iyo Ukraine.

Kiisaska maxkamadda la horkeeno oo qaata muddo dheer ayaa si gaar ah dardar loo geliyey dhageysiga dacwadan si looga hortago dagaalka toddobaadkii labaad ka socda waddanka Ukraine.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this