Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Dan Ah Ee Madaxweyne Biixi Ugu Jirta Kala Qaybinta Shacabka Somaliland ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Afartii Sano ee lasoo dhaafay waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland wajahaysay kala qaybsanaan hor leh oo ka dhalatey hab maamulka Madaxweyne Biixi iyo hadalo golo ka fuul ahaa oo Madaxweynuhu ka yidhi fagaareyaal kala duwan.

Haddaba isweydiintu waxay tahay maxaa faa’iido ah ee Madaxweynaha ugu jirta kala hadaladan aanu ka fiirsan ee uu fagaareyaasha ka jeediyo ?

Dadka aadka u yaqaan habdhaqanka siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi waxay sheegaan in Sooyaalkii taariikh siyaasadeed ee Madaxweynuhu u badnayd Siyaasadda qaybinta iyo ku jiqsiintu. Halka ay aadka ugu yarayd siyaasadda Midaynta Bulshada iyo Xallinta Khilaafaadku !

Marka aad dib u eegto hab maamulka Madaxweynaha ee 4tii Sanno ee lasoo dhaafey, waxa kuu soo baxaysa in Madaxweynuhu aad ugu baahnaa hab-dhaqanka siyaasadeed ee midaynta, isku ururinta iyo xallinta khilaafyada siyaasadeed ee ay intooda badan sababeen hadalo aan laga fiirsan oo uu Madaxweynuhu ka yidhi fagaareyaal kuba habboonayn.

“Siyaasiga Xariifka ku ah siyaasadda qaybinta Bulshadu, waxa uu ku fashilmaa siyaasadda midaynta iyo hoggaaminta Shacabka !

Wakhtigan oo uu Madaxweynuhu isu diyaarinayo safar uu ku tago Maraykanka wuxuu baahi badan u qabay inuu gudo iyo dibad ba Shacabka reer Somaliland tuso siyaasad Midnimo Qaran ah. Tani waxay si dadban iyo si toos ah ba wax uga taraysay farriinta uu Madaxweynuhu u sido Adduunyada aynu aqoonsiga ka raadinayo, iyo Shacabka reer Somaliland ee isu diyaariyay soo dhaweynta Madaxweynaha.

Nasiib darro, Madaxweynuhu wuxuu qaaday dariiqii looga bartey ee Buuq-saraadnimada. Dalkii wuxuu kasoo baxay iyada oo muran siyaasadeed oo uu dib u bilaabay ka jiro, Qurbihii na wuxuu ku soo waajahan yahay xilli uu Shacabkii Jamhuuriyadda Somaliland hadalkiisan u dambeeyaa kala qaybiyay.

Ugu dambayntii, ma jirto Maalin ay Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland uga baahi badan yihiin Midnimo iyo Hoggaamiye jiho kali ah kaga saara Shacabka duruufaha Abaareed, iyo kuwo Sicir barar haystaan.

Madaxweynaha oo wakhtigii la doortey ay Bilo kooban ka hadhsan yihiin waxa ku waajib ah inuu Ayaamaha u hadhay wax ka baddalo siyaasaddiisa gole ka fuulka ah, ku baddalo la tashi iyo ka fiirsasho, si dalka ay uga qabsoomaan Doorashooyinka Sinta isku wada hayaa !

Waxa qoray Ahmed Ismail Abdi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this