Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu danbeeyay:Ruushka oo hanjabaad cusub u diray Yurub+Ukraine oo war cusub soo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu danbeeyay:Ruushka oo hanjabaad cusub u diray Yurub+Ukraine oo war cusub soo saartay

dowladda Ruushku ayaa ka digeysa in uu xidhi doono dhuumaha gaaska ee ugu weyn Jarmalka haddii reer galbeedku ay mamnuucaan shidaalka Ruushka.

Alexander Novak oo ah Raiisel wasaare ku xigeenka Ruushka ayaa sheegay in tallaabadan oo kale ay u horseedi doonto “masiibo xun” oo ku timaada saadka caalamiga ah waxayna sababi doontaa in qiimaha shidaalka uu labanlaabo oo uu gaaro ilaa $300 foostadiiba.

Jarmalka iyo Netherlands ayaa diiday qorshaha Maraykanku uu ku doonayo in uu mamnuuco Shidaalka Ruushka iyo xulafadiisa si ay ugu ciqaabto duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

35f81028-55d8-471d-84c3-44bb45c0b510.jpg

Ukraine oo war cusub ka soo saartay Duulaanka Ruushka

Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine,Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay meel u dhow magaalada Kharkiv,

BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto sheegashada;

Saraakiisha Ruushkana weli kama hadlin.

Tliyaha la sheegay in la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Vitaly Gerasimov oo ahaa,madaxa shaqaalaha iyo taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka 41-aad ee Xarunta Dhexe ee Milatariga Ruushka.

ukraine-6.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this