Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo doonaya inay “Somaliland yeelato diidmada qayaxan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Faallo Faro-ku-dirir ah) — Dad badan baa la yabbaannaa waxa Muuse Biixi soo wado markuu ku qaadqaaday Shiinaha. “Shiinuhu nooma yeerin karo cidda aannu xiriirka la samaysanayno” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Shiinaha oo weli la daandaansan tabcadii Muuse ayuu Ruushku weerar ku Qaaday Ukraine. Muuse oo maanta la hadlayay dadka Hargeysa ayaa ammaanay birlamnimada reer Ukraine. “Ukraine waxay noqotay hoos-u-bax” ayuu Biixi yiri, isagoo ku tilmaamay ciidanka dalkaas kuwo u babac-dhigay dowlad ka mid ah dowladaha ugu awoodda weyn dunida.

PhotoCollage_20220307_214938889.jpg?resiBacaluul is qaad: Muuse Biixi loollan adag ayuu kula jiraa Xi Jinping iyo Vladimir Putin

Toddobaad gudihiis ayuu Muuse Biixi genefka ku dhuftay siyaasadaha laba dal oo diidmada qayaxan (Veto Power) leh. Dhiirrannaanta Biixi waxay gorfeeyeyaal badan ku tilmaameen mid uu ku doonayo inay “Somaliland yeelato diidmada qayaxan”. Waa markii ugu horreysay oo gobol ka mid ah dal jira uu isku taagay laba dal oo ka mid ah shanta dal ee haysta awoodda diidmada qayaxan.

“Soomaalidu hadda way ka gudubtay in dalal la deris ah ay dagaal dhuleed la gasho. Hadda waxay u gudubtay inay isku taagaan dalalka waaweyn sida Shiinaha iyo Ruushka. Taa libinteeda waxaa leh Muuse Biixi oo wacdaro siyaasaadeed dhigay” ayuu yiri qoraa u dhego-duleela siyaasadda Biixi.

Dhanka kale, ergo maadeeyeyaal Soomaaliyeed ah oo ay ka mid yihiin rag caan ah ayaa lagu wadaa inay booqdaan Ukraine si ay ula kulmaan Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo ay mihnadda maadeynta wadaagaan.  Waxay maadeeyayaasha Soomaaliyeed aad uga walaacsan yihiin hadallada kaftanku ka muuqdo oo uu Zelensky adeegsaday markuu ku baaqay inuu wadahadal la yeesho Putin, Madaxweynaha Ruushka.

© Faro-ku-dirir, 2022

The post Muuse Biixi oo doonaya inay “Somaliland yeelato diidmada qayaxan” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this