Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo Dhul Ku Wareejiyey Hey,adda Socdaal iyo Jinsiyadaha

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxmed Maxamed Islaam  ayaa qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali iyo xubno kale oo ka tirsan Hay’adda, oo qorshaynaya in ay xarun hey’adda ay leedahay ka furaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jabbada hoose.
Masuuliyiintan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo shaqooyin kale duwan ka haya deegaanada Jubaland ayaa waxa uu Madaxweynaha Jubaland kala hadlay dardargalinta howlaha xafiiska iyo sidii loo fududeen lahaa adeegyada bulshada ee ay Hay’adda ka heyso deegaanada dowlad goboleedka Jubaland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa uu Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku wareejiyey dhul uu ugu tala galay in laga dhiso xarun weyn oo ay Hay’adda ugu shaqeeyn doonto bulshada reer Jubbaland, waxaana Kismaayo kusugan agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka Soomaaliya.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this