Sign in to follow this  
Deeq A.

“Qudbada Madaxweynaha Ha Qaladina…” Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Qorsheynta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Qudbada Madaxweynaha ha Qaladina !

Madaxweynahu run buu sheegay oo diiwaan gelinta Ururrada ayaa ka soo horreysa doorashada Madaxweynaha, inta lagu gudo jiro ee ay socoto diiwaan gelinta ururrada iyo samaynta xeerarkooda ayaa waxaa la gaadhayaa wakhtigii doorashada Madaxtooyada, ka dib waxaa wakhtigeeda lagu qabanayaa Doorashadii Madaxtooyada oo ay ka qayb geli doonaan Saddexda Xisbi Qaran ee imika jira ee Liisanka Xisbinimo haysta. Madaxweynaha cusub ee la doortaana waxa uu sii wadi doonaa hawshii doorashada ururrada  ee bisha June diiwaangelintooda la soo bilaabay si ay usoo baxaan saddex Xisbi Qaran oo cusubi, waxaana ku xigaysa Xulashada guurtida.

Ma intaas wax ka duwan ayaa nuxurka Qudbada Madaxweynaha ku jirtay?

Colkii Biibitooyinka iyo Buul-cawsyadu jibadoodii hala cararaan, laakiin qofkii doonaya inuu Urur furto oo ay daacad ka tahay ee aanay jibbo wadini wuu fahmi karaa waaqaca dhabta ah ee jira ee ku aadan in hawsha Xisbiyo cusub oo ururrada ka soo baxaa ay noqonayso marka uu baarlamaanku diyaariyo shuruucdii ahayd in doorashada Xisbiyada loo galo si toos ah oo aan ku lamaanayn doorasho gole deegaan iyada oo la fulinayo go’aankii Maxkamada Sare ee amartay in doorashada Xisbiyada toos loo galo, inta lagu gudo jiro diyaarinta xeerarkaas iyo diiwaan gelinta ururrada waxaa soo gelaysa wakhtigii Dastuuriga ahaa ee Madaxtooyada oo dhacaysa 13 November 2022 oo ku Tarami doonaan Saddexda Xisbi Qaran ee imika jira oo liisankooda Xisbinimo uu ku eeg yahay bisha December 2022 kaasi oo ku cad Xeerkii 14 kii ay Maxkamada sare amartay in la raaco.

Kaysar Maxamed Wasiir ku xigeenkii hore ee Qorsheynta Somaliland ayaa qoray

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this