Sign in to follow this  
Deeq A.

“Maxaad Na Moodaysaan? Ma Waxa Aannu Idiin Nahay Adoomo?!” Raysal Wasaaraha Dalka Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

“Maxaad na moodaysaan? Ma waxa aannu idiin nahay adoomo samaynaya wax kasta oo aad tidhaahdaan?!”

Sidaas waxaa yidhi Raysalwasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan oo intaas ku sii daray, “Saaxiib ayaa aannu la nahay Ruushka, sida aannu saaxiib ula nahay Maraykanka, sida oo kale waxa aanu saaxiib la nahay Shiinaha iyo Yurub, cidna xeradeeda kuma jirno”

Raysalwasaaraha ayaa u jawaabayey baaq ay diblumaasiyiinta 22 dal oo ay ku jiraan kuwo midowga Yurub  xubno ka ahi hore u soo saareen, kaas oo dawladdiisa ay kaga dalbanayeen in ay taageerto go’aankii Jimciyadda guud ee Qaramada Midoobey ka soo saaraysay weerarka Ruushka.

Raysalwasaare Cimraan waxa uu dalalka Midowga Yurub ku dhaliilay laba wajiilaynta ay arrimaha Caalamiga ah ku waajahaan, isaga oo xasuusiyey in aanay wax cambaarayn ah u jeedin falalkii ay dawladda Hindiya ka geysatay gobalka Kashmir ee Muslimiinta ah.

Dalka Pakistan soo jeedintaas waa uu ka hor yimi, waana uu ka aamusay codayntii Qaramada midoobey Ruushka ku cambaaraynaysay ee ay danjireyaashu ka doonayeen in uu taageero.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this