Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar Ka Tirsan Madaxtooyada Puntland oo Shil Ku Gashay Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Shil geystay khasaare igu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Askar ka tirsan ciidamada Madaxtooyada dowlad ayaa maanta waxaa uu ka dhacay duleedka magalada Garowe ee gobolka Nugaal , waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.

Askarta oo kasoo laabatay magalada Boosaaso ayaa kusoo wajahnaa Garowe ee xarunta maamulka Punland, waxaa ay shilka ku galeen  inta u dhaxaysa deegaan Daangoronyo iyo Libaaxo oo ka tirsan  Nugaal, kadib markii uu rogmaday gaarigoodii.

Inta la xaqiijiyey 7 askari ayaa ku geeriyootay shilka dhacay, waxaana afar kamid ah ay ku geeriyoodeen goobta uu shilka ka dhacay halka 3 kamid ah ay ku geeriyoodeen Isbitaalka oo dhaawac lagu geeyey, waxaana uu dhaawac soo gaaray 5 kale.

Ciidamada shilka galay ayaa waxaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen ilaalada madaxtooyada Puntland, kuwaas oo aaday Boosaaso xiligii uu socday dagaalkii u dhaxeeyey ciidamo ka amar qaata madaxtooyada iyo PSF oo kusuagnaa Boosaaso.

Wadada xariirisa magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal geysta kahasaare kale duwan waxaana loo aanaynayaa in goobta uu Laamigu ka yahay goolato wadayaasha gaadiidkuna ay xawaare badan ku gudbaan.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this