Deeq A. Posted March 7, 2022 (SLT-Kyiv)-Dhimashada tobanaan qof ayaa lagasoo sheegayaa gudaha dalka Yukrayn saacadihii lasoo dhaafay kadib markii ciidamada Ruushku ay duqaymo la beegsadeen duleedka Kyiv iyo deegaano kale. Deegaanka Irpin ee duleedka magaalada Kyiv ayay ku dhinteen 3 qof oo dagaalka ka cararayay balse uu haleelay madfac lasoo ganay. Madaxweyne Vladamir Putin oo hadlay wuxuu sheegay in dunidu halis ku sugantahay. Wuxuu carabka ku adkeeyay in aanay joojinahayn duullaanka milatari illaa inta ay Reer Galbeedku si bilaa shuruud ah u aqbalayaan cabashooyinka dhanka ammaanka ee xukuumadiisu ay qabto. Shidaalka dunidu wuxuu qayliyoobay heerkii ugu sareeyay muddo ka badan 13 sanno. Waa tan iyo sanadkii 2008 markaas oo dunidu ay gashay qalalaase dhaqaale iyo burbur ku yimi dhaqaalaha dunida oo dhan. Madaxweynaha Yukrayn wuxuu canaantii ugu darnayd kala dul dhacay madaxda Reer Galbeedka. Wuxuu ku eedeeyay in ay hadal uun wadaan, isagoo cuno qabataynta ku tilmaamay mid aan jawaab u noqon karin duullaanka Ruushka. Source Share this post Link to post Share on other sites