Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Dhiig Qaldan Lagaga Shubay Cisbitaalka Gabiley Oo Xaalad Culus Wali Ku Jirta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shalay ku booqday Cisbitaaka Weyn ee Hargeysa Hooyo Jamiilla Xuseen Muuse oo  dhawaan Dhiig Qaldan oo aan nooca dhiigeedda ahayn lagaga soo shubay Cisbitaalka Degmadda Gabiley,taasi oo hadal hayn badan dhalisay.

Xoghayaha shaqada iyo arrimaha bulshada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbigaasi Maxamed Faarax ayaa Shalay Booqday Jamiila Xuseen Muuse taasi oo wali taala Cisbitaalka Hargeysa gaar ahaan Qaybta Dhalmada Cisbitaalka. Saraakiishan Xisbiga WADDANI ayaa waxa  ay xog waraysi kala yeesheen heerka Caafimaadka Haweenaydani marayo Dhakhaatiirtii Bukaankaasi la tacaalaysay, waxa ay sidoo kale walaac ka muujiyeen xaaladdeedda caafimaad. 

Xoghayaha shaqada iyo arrimaha bulshada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme oo booqashadan ay ugu tageen Bukaankan ka hadlay ayaa qoraalka soo dhigay Facebookga, waxaana uu yidhi “Waxaanu booqannay Hooyo Jamiila Xuseen Muuse oo ah bukaan dhiig qaldan Cusbitaalka Gabiley ku shubay, xaaladeeda caafimaad oo khatar ahayd Hargeysa la keenay, waxa geeriyooday  Mataanohii uurka ay ku sidday, waxaan boogaadinayaa shaqaalaha qaybta Ummulaha Cusbitaalka Hargeysa oo sameeyay dadaal naf-hur leh xaaladdi Hooyadana badbaadiyey, waxaan usoo jeedinaynaa laamaha Caddaalada Gabiley in ay Hooyadani hesho xaqeeda oo aan la dambabasin masuuliyad darradaa”.

Dhinaca kale, Wararka laga helay Dhakhaatiirta Cisbitaalka Hargeysa ee la tacaalaysa Caafimaadka Haweenaydan ayaa sheegay in Dhiigii Qaldanaa ee lagu shubay Haweenaydani uu ku sababay, dhaawacna u gaystay Xubnaha ugu muhiimsan ee Jidhkeedda, sida wadnaha, Beerka iyo Kalyaha islamarkaana ay wali rajo ka qabaan inay ku guulaystaan.

Sidoo kale, Warar kale ayaa sheegaya in ehelka Haweenaydani ay Dacwad ku oogayaan Dhakhtarkii Kiiskan u gaystay ee dhiigga Qaldan ku shubay haweenayda. Xaaladda haweenaydan ayaa lagu baahiyey baraha Bulshada dhawaanahan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this