Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo ku dhawaaqday lix Qodob oo looga adkaan karo Putin

Recommended Posts

Deeq A.   

UK oo ku dhawaaqday lix Qodob oo looga adkaan karo Putin

Johnson held talks with Ukrainian Ambassador to London Vadim Prystaiko
Boris Johnson waxa uu kulan la yeeshay safiirka Ukraine u fadhiya London, Vadim Prystaiko

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, oo wareysi siinayay wargeyska New York Times, ayaa sheegay in madaxda caalamka laga doonayo in ay kordhiyaan dadaalka loogu jiro sidii uu u guul darreysan lahaa dagaalka “naxdinta leh” ee uu Ruushku ku qaaday waddanka Ukraine.

“Taariikhda ma aha waxa nala xisaabtami doono mustaqbalka, balse waa dadka reer Ukraine,” ayuu yidhi Johnson.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa ku dhawaaqay qorshe lix qodob ka kooban oo uu doonayo in lagu hor istaago dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine ee uu hoggaaminayo Vladimir Putin.

Waxaa ka mid ah in la xoojiyo difaacyada isbahaysiga Nato ee ku dhow xuduudaha Ruushka.

Hase yeeshee Xisbiga Shaqaalaha ee Britain ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in uusan si deg deg ah u qaadanin go’aannada uu cunaqabateynta ugu soo rogay Ruushka, kuwaasoo ay sheegeen in uu la daahay.

Ka hor inta aan la gaadhin kulan uu la yeelan doono madaxda caalamka, ayuu Johnson ku yidhi: “Putin waa in uu guul darreysto, caalamkuna waa in uu arko guul darradiisa ka dhalatay gardarradiisa.”

“Naguma filna inaan taageero u muujinno in dunida ay ku shaqeyso nidaam ku dhisan sharciyo – balse sidoo kale waa inaan didaacno arrintaas, kana celinno isku dayada lagu burburinayo sharciyadaas ee loo adeegsanayo awoodda militeri,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Weerarka Ruushka ayaa burbur xoog leh u geystay Ukraine
Weerarka Ruushka ayaa burbur xoog leh u geystay Ukraine

Weerarka uu Ruushka ku galay Ukraine waxaa cambaareeyay 141 waddan oo ka qayb galay shir deg deg ah oo isbuucan ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

UK ayaa 39 waddan la kaashatay dadaal ay ku dooneyso in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ay soo farogeliso dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.

Muxuu yidhi Boris Johnson?

Bayaan kasoo baxay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Boris Johnson uu ka codsan doono hoggaamiyeyaasha caalamka in ay “sameeyaan dadaal cusub” oo lagu joojinayo weerarka madaxweyne Vladimir Putin ee ka dhanka ah Ukraine.

Johnson ayaa hoosta ka xariiqay 6 qodob oo ku aaddan sidii cadaadiska loogu xoojin lahaa Putin, waxayna kala yihiin:

  • In Hoggaamiyeyaasha caalamka ay abuuraan “isbahaysi bani’aadannimo oo caalami ah” oo loogu talo galay Ukraine.
  • In lagu caawiyo Ukraine dadaallada ay ku difaaceyso waddankeeda.
  • In la kordhiyo cadaadista dhaqaale ee la saarayo Ruushka.
  • In Beesha Caalamku ay diiddo “Isku dayga uu Ruushka ku doonayo inuu wax caadi ah ka dhigo ficillada uu ka sameynayo Ukraine”.
  • In la sii wado dadaalka xal diblomaasiyadeed loogu raadinayo si loo afjaro dagaalka, balse ay qayb ka ahaato dowladda sharciga ah ee Ukraine.
  • In la billaabo olole dardar ku socda oo lagu xoojinayo “amniga iyo awoodda dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga Nato”.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sidoo kale la filayaa in uu farriintiisa kusoo bandhigo kulan uu la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, iyo Ra’iisul Wasaaraha Dutch-ka, Mark Rutte.

Kulanka saddexda hoggaamiye ayaa Isniinta ka dhici doona xarunta dowladda UK ee magaalada London.

Ciidamada Ukraine oo dhoollatus sameynaya ka hor inta uusan dagaalka billaabanin
Ciidamada Ukraine oo dhoollatus sameynaya ka hor inta uusan dagaalka billaabanin

Maalinta Talaadada ah ee xigtana, Mr Johnson waxa uu marti gelin doonaa madaxda waddamada ku bahoobay isbahaysiga Visegrad ee bartamaha Yurub, oo kala ah Czech Republic, Hungary, Poland iyo Slovakia.

Dowladda UK ayaa sheegtay in wdadamadas ay horayba hadda u dareemayaan dhibaatada ka dhalatay dagaalka ee dhanka bani’aadannimo, maadaama in ka badan 1.4 milyan oo shacabka reer Ukraine ah ay ku bara kaceen maalmo gudahood.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this