Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Qaabilay Xildhibaannadii Boosaso Lagu Doortay

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay xildhibaannada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 1-aad ee dowladda  federalka Soomaaliya,kuwaas oo shalay lagu doortay Boosaaso.
 Kulanka oo Qado sharaf ahaa uu  la qaatay mudaneyaasha la doortay  ayuu ugu hambalyeeyay xilka loo idmaday wuxuuna alle uga baryay in masuuliyaddaasi uu u fududeeyo, xildhibaannada afarta sano ee soo aadan Puntland ku matalaysa BJFS.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Qaar ka mid ah senatarada iyo xildhibaanadii hore loogu doortay magaalada xarunta u ah Puntland ee Garoowe iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this