Sign in to follow this  
Deeq A.

Ibbi oo Madaxweyne Farmaajo Ku Eedeeyey Inuu Is-hortaagay Xildhibaannimadiisii

Recommended Posts

Deeq A.   
20220307_004457.jpg?resize=391%2C237&ssl

Muqdisho (Wararka PP) — Cabdiraxmaan Aadan Ibbi oo ahaa Xildhibaan hore ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu is-hortaagay in dib loogu doorto Xildhibaan. “Anigu halgame ayaan ahay, waxaan ahaa Nabad iyo Nolol” ayuu Ibbi yiri. Wuxuu ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu qofkuu rabo soo saarayo qofkuu rabana u diidayo xildhibaannimo.

“Ma eedeynayo Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed” ayuu Ibbi carrabka ku adkeeyey. Ibbi wuxuu intaas ku daray in fursadda uu waayay ay tahay hiil Eebbe uga yimid waayo “waxaan aad u taageersanaa Madaxweyne Farmaajo. Waxaad mooddaa in dad aan aad ugu kalsoonaa ay dhabarjabin igu sameeyeen.”

Ibbi wuxuu Xildhibaan ahaa in ka badan 20 sano. Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanno aad u taageersanaa Maraxweyne Farmaajo. Maalin dhoweyd Ibbi wuxuu sheegay in xilku wareegto yahay iyo in uusan jirin qof uu eedeynayo.

© Puntland Post, 2022

The post Ibbi oo Madaxweyne Farmaajo Ku Eedeeyey Inuu Is-hortaagay Xildhibaannimadiisii appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this