Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Rooble oo Warbixin Ka Dhagestay Guddiga Qiimaynta Garbahaarrey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ee Garbahaareey, kuwaas oo  tagay Kismaayo.

Kulanka guddiga iyo Ra’iisalwasaaraha ayaa waxaa uu ku qotomay safarka dhowaan guddiga la filaayo in ay ku tagaan deegmada Garbaarrey ee gobolka Gedo oo guddigu soo qiimaynayaan amniga iyo sida doorasho ay uga dhici karayso.

Guddiga ayaa waxaa lagu wadaa in ay gaaran Garbahaarrey iyaga oo wadatashi la yeelan doona bulshada iyo waxgaradka, waxaana dhowaan ay safar ku tageen magaalada Kismaayo iyaga oo la kulmay dhaqanka reer Gedo iyo madaxda Jubbaland.

Guddigaan dhowaan uu magacaabay Ra’iisalwasaare Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in ay soo qiimeeyaan sida ugu haboon oo doorasho uga dhici karto degmada Garbahaarrey oo ay taallo 16 kursi oo katirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this