Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Amiirka Qatar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka dowladda Qatar ayaa maanta halkaas kulan yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa kulankooda ku lafa-guray arrimo dhowr ah oo ku saabsan aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada dal iyo danaha wada-jirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga muga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Labada masuul ayaa isla gartay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

Waxay sidoo kale diirada saareen isu-socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen ayaa soo dhaweeyey in dowladdiisu ay door weyn ka qaadato gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna.

Qatar ayaa mudnaan siin doonto gurmadka degdegga ah iyo xalka waara oo ay ka mid yihiin maalgelinta Beeraha, Xoolaha iyo Kalluunka oo fursado shaqo u abuuraya dhallinyarada Soomaaliyeed, xalna u noqonaya abaaraha soo laalaabtay ee dalkeenna.

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa uga mahad-celiyey Amiirka iyo Golahiisa soo dhaweynta wanaagsan, doorkooda dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed iyo fulinta mashaariicda dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha oo si dardar leh uga socda dalka.
275057974_333482782156201_31456286176720 Tamim.jpeg?resize=696%2C472&ssl=1 Farmaajo-iyo-Tamim.jpeg?resize=696%2C464 Farmaajo-iyo-Tamiim-Tamim.jpeg?resize=69 275241364_333482925489520_64522434107552 Tamim-iyo-Farmaajo.jpeg?resize=696%2C479 275366844_333482912156188_51392094557186

The post Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Amiirka Qatar? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this