Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddigii kasoo laabtay Kismaayo oo warbixin u gudbiyey Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga uu u xil-saaray qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarey.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xubnaha guddiga ka dhageystay warbixin ku saaabsan socdaalkoodii Kismaayo iyo qorshaha safarka guddigu ku tagayaan Garbahaarey, si ay wadatashiyo ula soo yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddiga ayaa maalin ka hor Muqdisho ku soo laabtay, kadib safar maalmo qaatay oo ay ku tageen magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenkiisa koowaad, siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Gedo.

Waxay sheegeen xubnaha guddigaas in xog uruurin ay ka soo sameeyeen Kismaayo, iyagoo maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Garbahaarey, si rabitaanka bulshada magaaladaas ay ugu kuur-galaan.

Waxaa xusid mudan in war-murtiyeed Sabtidii shalay ka soo maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada magalaada Garbahaarey ay ku cadeeyeen in guddigaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray qiimeynta doorashada magaaladaas uusan tegi karin Garbahaarey.

Sidoo kale reer Garbahaarey waxay sheegeen in wax aan aheyn guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo xalinta khilaafaadka aysan u ogolaa doonin inay tagaan degmada Garbahaarey, iyagoo Ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqay in doorashada kuraasta Garbahaarey uusan ku eedoobin.

rooble.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 274750711_307491674813319_46239296990116 275303801_307491754813311_47664697292635 274885682_307491658146654_79101251385449 274770535_307491581479995_22264262573585 guddiga-gedo.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Guddigii kasoo laabtay Kismaayo oo warbixin u gudbiyey Rooble appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this