Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee Ayuu Ku Dambeeyey Lacagtii Xukuumadu Ugu Talo-gashay Biyo-xidheenka Degmadda Salaxllay?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa horaantii sannadkii 2018-kii  deegaanka kala Gooye ee Degmadda Salaxllay ka dhagax dhigtay biyo xidheen, kaas oo ay sheegtay in isla maalintii la dhagax dhigay hawshiisa la dhaqaajinayo,isla markaana Mashruucaas uu yahay mid lacagtiisa la hayo

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa horaantii sannadkii 2018-kii  deegaanka kala Gooye ee Degmadda Salaxllay ka dhagax dhigtay biyo xidheen, kaas oo ay sheegtay in isla maalintii la dhagax dhigay hawshiisa la dhaqaajinayo,isla markaana Mashruucaas uu yahay mid lacagtiisa la hayo

Dadka Deegaanka ayaa arrintan si weyn u soo dhaweeyey, balse nasiib darro afar sanno oo hadda laga joogo wakhtigaas mashruucaas muu noqon mid Xukuumadda Biixi ay ka dhabbayso,waxaana hadda la is weydiinayaan halka ay martay lacagtii Mashruucaas ku baxaysay,iyadoo aanay illaa hadda Xukuumadda Biixi ka haddal arrintaas iyo halka uu ku dambeeyey Biyo xidheenkii kale Gooye ay ka dhisaysay

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo horaantii sannadkiii 2018-kii Mashruucan dhagax dhigay xilligaas oo uu ahaa wasiirka biyaha ayaa madasha dhagax dhiga ka sheegay in mashruuca uu amray Madaxweyne Biixi in Biyo xidheenkan laga sameeyo kale Gooye ,waxaanu hoosta ka xariiqay in Lacagtii ku baxaysay la hayo “anniga iyo Madaxweynaha ayaa isla soo garanay in deegaankan kala Gooye laga hirgeliyo mashruuca biyo xidhaan,kaas oo aynu ku dhisanayno cashuurteenii,Lacagtaas waa lacag diyaar ah oo aan meel loo raadinayn oo Akownka inoogu jirta “Ayuu yidhi koore sannadkii 2018-kii

Dhanka kalene wasiir Koore ayaa isla maddashaa haddana ka sheegay haddal kale oo ka soo horjeeda kaas,waxaanu sheegay in lacagta mashruuca kale Gooye ay tahay mid ka hadhay mashruucii fashilmay ee xubno weyne “Kala gooye waxa aanu ugu tallo galnay lacagtii mashruucii xubo weyne  ay carabtii innagu tidhi waanu idin siinaynaa,”ayuu sheegay

Sidoo kalena waxa uu isla deegaanka kala Gooye uu ka sheegay wakhtigaas 2018-kii  Wasiir Koore in mashruuca hadda la bilaabayo “gaadhigaa ina daba taaggan ayaa bilaabaya,waxaan ka tashanay  sidii uu u noqon lahaa mashruuc rumooba oo uu Madaxweynaha Somaliland amray in la dhaqaajiyo “ayuu yidhi

Haddaba waxa si weyn la isku weydiinayaa mashruucaas biyo xidheenka lagga hirgelinayey kala Gooye ee uu wasiirku sheegay in lacagtiisa la hayo waxa fashiliyey iyo halkii ay martay lacagtaas ku dhaweyd afarta milyan ee dollar ee la sheegay in mashruucaas laggu dhisayo,waxaase su’aalaha jawaabtooda lagga sugayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo illaa hadda waxay ku jawaabto hayn ,taas oo u muuqata inuu afkii juuqda gabay.

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday.pn

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this