Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaarada Dalka Maraykanka Ee JABUUTI Oo Uu Diiday Fiisayaashii Dalku-galka Wasiir Saleebaan Koore Iyo Maxamed Kaahin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno wefti uu hoggaaminayo oo ka tirsan Xukuumadiisa, ayaa la filayaa inay dhawaan socdaal shaqo ay ugu baxaan dalka Maraykan-ka,kaas oo noqonaya safarkii koobaad ee uu Madaxweyne Biixi intii uu xilka hayey uu ugu baxo dalka Maraykan-ka iyo guud ahaanba dalalka reer Galbeedka.

Madaxweyne Biixi ayaa socdaalkiisa uu ku tegayo dalka Maraykanka horaanta bishan hadda aynu ku jirno ee March, 202,waxay xoggo uu helay Wargeyska Waaberi sheegeen inay ku wehelin doonnaan safarkiisaa saddex xubnood oo kamid ah Golihiisa Wasiiradda ,kuwaas oo uu kamid yahay Wasiirka arrimaha debada Dr Ciise Kayd iyo Wasiir Sacad Cali Shire iyo xubin kale.

Dhanka kalene Wasiirka Wasaaradda War-faafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Wasiirka arrimaha guddaha oo la filayey inay Madaxweynaha u raacaan safarkiisa Maraykanka ayaa la sheegay inay ka baaqdeen,kaddib markii ay safaaradda Maraykanku uu ku leeyahay dalka Jabuuti oo ay dhawaan tageen ay u diiday inay siiso fiisayaasha dalku galka dalkeeda Maraykan-ka.

Ma jiro weli war rasmi oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo la xidhiidha arrinta, hase-yeeshaa illo wareed-yo rasmi ah ayaa Wargeyska u sheegay in safaaradda Maraykanku ay u diiday Wasiir Koore Iyo Wasiir Maxamed Kaahin fiisayaashii dalkugalka dalka Maraykan-ka,balse lama sheegin sababaha loogu diiday.

Somalilandtoday/Burco/Office

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday.pn

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this