Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ukraine oo Gacanta ku dhigay Duuliye Caan ah isagoo dhaawac ah+Diyaaradaha Ruushku leeyahay ee Ukriane  riday+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Ukraine oo Gacanta ku dhigay Duuliye Caan ah isagoo dhaawac ah+Diyaaradaha Ruushku leeyahay ee Ukriane  riday

Ciidamada Ukraine ayaa qabtay duuliye Ruush ah oo horay uga qayb galay duqeymihii ka dhacay Suuriya. Bashaar al-asad ayaa gudoonsiiyey Bilad iyo hadiyado maadaama isagoo difaacaya xukunkiisa uu  xasuuqay shacabka Suuriya.

Duuliyahan waxaa  lagu magacaabaa Krasno Yartsev ayaa la qabtay kaddib markii la soo riday diyaaraddii uu ku duqeeynaayey Dalkaasi Ukraine.

Dhawaan ayay ciidanka Ukraine dileen Janan sare oo Raashiya u dhashay,  kaasoo horey uga howlgalayey Siiriya.

Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine ayaa shaacisay warbixinteeda maalinlaha ee ku saabsan dagaalka Ukraine, waxayna sheegtay iney burburisay 88 kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka tan iyo markii uu bilowday dagaalka.

 

274723411_5049470375137632_7765011411154275167609_5049470451804291_3413438527324Major-Krasnoyartsev-Kharkiv-Russia-UkraiMajor-Krasnoyartsev-Kharkiv-Russia-Ukrai

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this