Sign in to follow this  
Deeq A.

Kufsiga oo ku soobadanaaya Somaliland iyo wasiirka arimaha gudaha oo sheegay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Xukuumada Somaliland ayaa ka dayrinaysa tirrada kufsiyada oo si xawli ah u kordhaysa, iyadoo muddo 2 bilood gudaheed ah 17 kufsi dhaceen.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in tirrada kufsiyada ka dhacaya ciida Somaliland ay aad u kordhayso.

“Sannadka cusub oo bishii saddexaad aynu maanta shan marayno 17 kiis ayaynu maraynaa, oo la hayo, hadaynu 2 bilood 17 kiis hayno sannadka dhamaadkiisa imisa ayay noqonaysa, dhowr boqol ayay noqonaysa” ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa sheegay in bulshada Somaliland hayso dariiq la wada ogyahay in ay ku burburayso hadii aan wax laga qaban kufsiga, oo aan si dhakhso ah loo meel marin xeerka kufsiga.

“Madaama oo aynu hayno dariiq cad oo aynu ognahay in bulshadeenu ku burburayso, waa in aynu sharciga ku tun tuunsanaa, madaxweynuhuna wuu saxeexay, golaha baarlamaankana waxaanu leenahay, hablihii idinsoo doortay in aydan ka war wareegin sharcigooda” ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad xadhiga lagaga jarayay, xafiis lagala socon doono danbiyada kufsiga si gurmad loogu fidiyo dhibanayaasha.

 

HOL

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this