Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada kuraas ka mid ah BF oo lagu qabtay Gaalkacyo – Yaa ku soo baxay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Doorashada ayaa waxaa lagu bilaabay kuraasta HOP#013 iyo HOP#101 ee Golaha Shacabka.

Kursiga HOP#013 waxaa ku soo baxay Aadan Cismaan Xuseen (Qoryooley) oo ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Galmuudg.

Qo=oryooley ayaa sidoo kale aad ugu dhow Villa Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii isku howlay dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’isuul wasaaraha.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#101 waxaa ku guuleystay Xersi Aadan Rooble, kaas oo helay 88 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee Galmudug.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xiga ee isla maanta loo qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Kuraasta taalla magaaladan ayaa qaarkood isha aad loogu hayaa, maadaama ay ku loolamayaan siyaasiyiin saameyn leh oo doonaya inay ku biiraan baarlamaanka 11-aad.

Galmudug ayaa wada qorshe lagu dadajinayo doorashada Golaha Shacabka oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishan March ee sanadka 2022-ka.

274966481_340487634674439_17566926611057 274723948_340460364677166_86655775275077 274930261_340459704677232_27466433196586274864882_340486911341178_84685607583602

The post Doorashada kuraas ka mid ah BF oo lagu qabtay Gaalkacyo – Yaa ku soo baxay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this