Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaki Iyo Su’aalo Ka Dhashay Qorshaha Dawladda Qadar Yeedhay FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)- Su’aalo xooggan ayaa ka dhashay qorshaha ay dowladda Qatar ugu yeedhay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo shalay gaadhay magaalada Doha.

FARMAAJO ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo amiirka dalkaas Tamim bin Hamad Al Thani , iyada oo la sheegay inay ka wada hadli doonaan xidhiidhka labada dal iyo arrimo khuseeya, sida laga soo xigtay Villa Somalia.

Si kastaba, warbaahinta Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay ayaa sheegaya in ujeedka ugu weyn kulankan uu yahay inay labada nin ka wada hadlaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo mar kale Farmaajo u taagan yahay, iyo doorka Qatar ay ka qaadan karto.

Inkasta oo Qatar ay si buuxda u taageertay Farmaajo 2016-kii, sidoo kalena la filayo inay mar kale taageerto, haddana warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigataya ayaa baahinaya in taageero Qatar ay siiso Farmaajo 2022 ayna aheyn arrin hubaal ah, ayna xitaa suurta-gal tahay in Farmaajo loo sheego inaanu is-sharxin.

Fallanqeeyayaa; kala duwan oo la hadlay ayaa qaarkood rumeysan in sababta Farmaajo loogu yeedhay ay tahay in lasoo siiyo taageero buuxda halka qaarna ayna la tahay in laga yaabo in Qatar ay wadato qorsheyaal kale.

Dadka qaba in Farmaajo lasoo siin doono taageero buuxda ayaa ku doodaya in Qatar ayna haysan musharax ka rajo wanaagsan FARMAAJO, sidoo kalena daacad ugu noqon kara sidii Farmaajo uu shan sanno ugu ahaa adeege wanaagsan.

Hase yeeshee, kuwa kale ayaa ku doodaya in Qatar ayna 100% Farmaajo isku haleyn doonin doorashada madaxweynaha sababta oo ah, bay yidhaahdeen, Qatar waxay ogtahay in xitaa haddii Farmaajo dib loo soo doorto ay adag tahay inuu mar kale Soomaaliya xukumo, sababta oo ah heerka uu gaadhsiiyay is-naceybka umadda shantii sanno ee uu xilka hayey.

Qatar waxay si gaar ah uga walaacsan tahay, bay yidhaahdeen, in beelaha Muqdisho ee awoodda badan ayna aqbli doonin afar sanno oo kale oo Farmaajo ah, kadib xadgudubyadii uu ku sameeyeyn shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Arrinta kale ee jirto ayaa ah, bay yidhaahdeen, in xitaa haddii Qatar ay taageerto Farmaajo ay adkaan doonto in xildhibaanada ay codkooda siiyaan, waana taas sababta loo rumeysan yahay in Qatar ay sannadkan wadato musrahax labaad oo lagu sheegay “Qorshaha B,” balse ay suurta-gal tahay inuu yahay “Qorshaha A.”

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay cadaadis xooggan ku saareyso Qatar in Farmaajo meesha laga saaro, si hore loogu dhaqaajiyo dimoqraadiyadda Soomaaliya ee uu Farmaajo hakadka geliyey shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Mareykanka ayaa dhowaan xayiraado Visa saaray mas’uuliyiin la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Farmaajo, kuwaas oo lagu eedeeyey inay carqaladeynayaan nidaamka dimoqaadiyadda Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this