Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cali Guudlaawe oo go’aan culus ka qaatay kuraasta Beledweyne, kaddb…

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah musharixiita u tartameysa kuraasta taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Musharixiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Amniga, Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale..

Dhammaan musharixiintan ayaa la wadaagay hoggaanka HirShabelle cabasho ay ka qabaan doorashada ka socota Beledweyne, iyaga oo sheegay in musharixiin gaar ah loo xiray kuraasta.

Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa ku dhowaaqay in tartanka uu noqon doono mid furan, wuxuuna tilmaamay in kuraasta harsan si siman ay ugu baratami doonaan musharixiinta.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan jirin cid gaar ah oo ay wadato HirShabelle, sidaas daraadeedna wuxuu ka dalbaday musharixiinta inay ilaaliyaan xasiloonida amniga.

Kulankan ayaa daba socda dhaq dhaqaaq ciidan oo laga dareemay Beledweyn, kadib markii ay soo galeen ciidamo taabacsan qaar ka mid ah musharixiinta cabaneysa.

HirShabaelle ayaa horey magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne uga qabatay doorasho natiijadeeda lasii ogyahay, kadib markii xubno gaar ah loo xiray kuraasta taalla maamulkaasi.

274718248_332647605573117_19036409257024 275133773_332648132239731_48188620474164 274985045_332647622239782_30275471809453 275258873_332647922239752_50313558558249 Guudlaawe-iyo-Dabageed-768x512-1.jpg?res

The post Sawirro: Cali Guudlaawe oo go’aan culus ka qaatay kuraasta Beledweyne, kaddb… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this