Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Mubaarik Xeeldheere Oo Raal-gelin Siiyay Xildhibaan Maxamed Abiib Iyo Bulshada Reer Awdal.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Xildhibaan Mubaarik Xeeldheere ayaa raal-gelin siiyay Xildhibaan Maxamed Abiib oo ay ka wada tirsan yihiin golaha wakiillada Somaliland iyo guud ahaan bulshada reer Awdal.

Xildhibaan Mubaarik Xeeldheere ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

“Raali Galin Bulshada Awdal

Anigoo ah Mubarak Hussein Mohamed (Mubarak Xeeldheere) waxaan halkan idin kula wadaagayaa sixid hadalkaygii shirkii Jaraa’id ee aan qabtay isniintii 28th February 2022 oo dulucdiisu ahayd falcelinta arimo dan guud ah oo uu ka hadlay xildhibaan Mohamed Abiib. Hadaba, wixii hadalo dheeraada ama qadaf ah ee ay dhibsatay bulshada reer awdal ee uu kasoo jeedo Xildhibaan Mohamed Abiib waxaan ka siinayaa raali galin buuxda. Iyadoo aanay jirin wax xumaan gaara ah oo aan u qabo bulshada reer awdal laakiin aan u hayo ixtiraam iyo qadarin dheeraad ah maadama ay awdal tahay hoygii iyo xadaaradii aqoonta Somaliland cadayna ay u tahay bisaylka iyo dulqaadka ay muujiyeen mudadii ka soo wareegtay shirkaygii Jaraa’id. Waxaa kale oo aan raali galin gaara siinayaa bahdii Jaamacada Camuud, saxiibadayda reer awdal (rag iyo dumarba), xildhibaanada Golaha wakilada ee reer awdal, ardaydaydii reer awdal iyo cidkasta oo kasoo falcelisay arintaa.

Xildhibaan Mubarak Xeeldheere” ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarik Xeeldheere

Halkan hoose ka DAAWO hadal uu raalin-gelinta ka bixiyanayo Xildhibaan Mubaarik Xeeldheere

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this