Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg-deg Ah: Ruushka Oo Xabbad Joojin Kaga Dhawaaqay Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kyive)-Dowladda Ruushka ayaa laba toddobaad kaddib ku dhawaaqday xabbad joojin Kumeel-gaadh ah taas oo ay iskeed ugu dhawaaqday.

War lagu baahiyay warbaahinta RT ee ku hadasha Afka Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in sababta xabbad joojinta loogu dhawaaqday tahay in fursad la siiyo dadka rayidka ah si ay u helaan gargaar ay ula diyaar yihiin hay’adaha samafalka.

Waxaa kale oo ay Dowladda Ruushku intaas raacisay in haddii Ukraine ay jebiso xabbad joojinta ay tallaaba qaadeyso Dowladda Ruushka. Xabbad joojinta ayey u badantahay in Ruushku ku khasabtay wadahadalkii Miniski ee ay la gashay Ukraine kaas oo aan lagu shaacin xabbad joojin laakiin dhinacyado isla garteen in fursad la siiyo rayidka ka qaxaya Ukraine loona furo waddooyin ay maraan.

Waddamada ku jira ururka G7 ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu galay fambi dagaal kaddib markii uu weeraray xarunta ugu weyn Europe ee dhalisa tamarta . Xukuumadda Kyive wali kama falcelin baaqa Ruushka ee dadka Ukraine lagu gaadhsiinayo gargaarka Bani’adamnimo umase badna in ay ka hor iman doonto.

Mareykanka iyo NATO ayaa ka diiday Ukraine codsi ay ku dalbatay in laga dhigo hawadeeda aag Diyaaradaha ka caaggan, waxaase ay beddelkeeda u sheegeen in ay siinayaan Hub ay isaga celiso Ruushka.

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday.pn

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this