Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharaxa Madaxweyne & Gudoomiyahae Xisbiga Waddani kulamo la qaatay Waxgaradka & Dhalinyarada Degmada Axmed Dhagax+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

 Musharaxa Madaxweyne & Gudoomiyahae Xisbiga Waddani kulamo la qaatay Waxgaradka & Dhalinyarada Degmada Axmed Dhagax

 cirro-e1646477746746.jpg
Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada JSL iyo Saraakiil Xisbiga ah ayaa galabta Hotel-ka Ramada oo ku yaalla degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa kulan wada shaahayn iyo is xaal waraysi ah kula qaatay dhallinyarada, Aqoonyahanka iyo waxgaradka.
Aqoonyahanka iyo waxgaradka ayaa madaxda Xisbiga WADDANI uga xog warramay xaaladda deegaannada ay ka soo jeedaan iyo baahiyaha ka jira isla markaana muujiyay dareenkooda isbeddel doon iyo taageeradooda ay Xisbiga WADDANI u hayaan.
Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa kulanka ka jeediyay warbixinno taabanayay xaaladda siyaasadda iyo nololeed ee Somaliland, isla markaana waxgaradka iyo dhallinyarada qaabishay ku boorriyay in ay door weyn ku yeeshaan isbeddel doonka dalka ka socda ee lagu xaqiijinayo in Xisbiga WADDANI hoggaanka talada dalka qabto.
275234992_496938155296657_41011070208153
275222031_496938281963311_56845375848615
275199125_496938381963301_58010293073360
275215867_496938478629958_40804178648134

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this