Deeq A. Posted March 5, 2022 Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta shaaciyey dhaqanka soo xulaya ergada kala doranaysa shan kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo ah halka loo asteeyey deegaan doorashada labaad u ah maamul Galmudug. Kuraasta tirsigoodu uu kala yahay HOP#001, HOP#013, HOP#101, HOP#017iyo HOP#060 ayaa waxaa sidoo kale guddigu uu raaciyey jadwalka doorashada, waxaana doorashada kuraastaan ay dhici doontaa maalinta barri ah oo ku beegan 6 bisha, waxaana qeyb ay ka yihiin 11 kursi oo ka tirsan golaha deegaan doorashadooduna ay tahay magalada Gaalkacyo ee Mudug. 1: Kursiga tirsigiisu tahay HOP#060 waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Ubax Tahliil Warsame 2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#017 waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Duniya Maxamed Cali 3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#001 waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Warsame Maxamed Xasan 4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#013, waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Maryan Maxamed Xuseen 5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#101, waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Xirsi Aadan Rooble Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites