Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO Oo Maanta Ku Waajahan Dalka Qatar, ujeedada Safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay ku waajahan yihiin Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, sida uu qorshahu yahay.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Dooxa ayaa waxaa shaacisay Wakaalada Wararka Qatar oo sheegtay in Maanta oo bisha ay tahay March 5, 2022 uu Farmaajo booqasho ku tegayo Magaalada Dooxa, isagoo la kulmaya Amiirka dalkaas iyo xubno kale.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin socdaalka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee uu ku tegayo Qatar, waxaana Madaxweynaha uu saacadaha soo socda ee Maanta uu ka dhoofi doonaa Garoonka Aadan Cadde.

Maxamed Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Amiirka dalkaas iyo Madax kale, iyagoona ka wada hadli doona xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.

Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxda Xukuumadda Dooxa kala hadli doona dardar-gelinta taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya iyo Arrimo kale oo qorsheysan, waxaana Qatar ay kamid tahay dowladdaha sida dhow xidhiidhka ula leh Farmaajo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this