Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaankii Aqoonsiga Somaliland U Ololeynayay Oo La Siiyay Abaal Marinta Ugu Weyn UK

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Gavin Williamson, oo ah xildhibaankii baarlamaanka UK dhex geeyay mooshin aqoonsi loogu raadinayo Somaliland, ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaanno “knight” ee ay boqortooyada Ingiriiska siiso shakhsiyaadka lagu sharfo adeegga ay qabteen.

Qofka abaalmarintaas la siiyo ayaa magaciisa laga hormariyaa “Sir” oo muujineysa in uu darajadaas gaadhay.

Xafiiska Raysal Wasaaraha UK ayaa shaaciyay warka ku saabsan abaalmarinta xildhibaanka.

Mr Williamson, oo ah xildhibaanka Koonfurta Staffordshire, ayaa hore labo jeer looga qaaday xilal wasiirnimo, waxaana laga eryay shaqada xukuumadda.

Waxa uu jagada wasiirka waxbarashada hayay inta badan waqtigii uu jiray cudurka safmarka ah, waxaana si weyn loogu dhaliilay inuu waxba kama jiraan kasoo qaaday natiijada fasallada A-levels iyo GCSEs, laba sanno oo xidhiidh ah. Sidoo kale waxaa lagu cambaareeyay xidhitaanka iskuullada.

Mr Williamson ayuu magaciisa Soomaalida aad ugu dhex faafay kaddib markii uu bishii January ee sannadkan Baarlamaanka UK hor geeyay mooshin uu ku doonayay in madaxbannaanida Somaliland lagu aqoonsado.

2019-kii ayuu booqasho ku tagay Hargeysa, isagoo markaas ahaa wasiirka gaashaandhigga ee UK, waxa uuna la kulmay madaxda Somaliland ee uu ka mid yahay madaxweyne Muuse Biixi.

Gavin waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative ee haya talada dalkaasi UK, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee Raysal wasaare Boris Johnson sannadkii 2019-kii.

Gavin ayaa xiligaasi ka hor ahaa xoghayaha gaashaandhiga UK xilligii Raysal wasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday.

Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay xoghaya waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday.

Inta uu wasiirka gaashaandhigga ahaa waxa uu booqasho ku tagay Soomaaliya, balse ma dhaafin xerada Xalane ee u dhow garoonka diyaaradaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this