Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo war kasoo saartay amniga Boosaaso iyo dad loo qab-qabtay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska qaybta gobolka Bari, Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa maanta ka hadlay qorshaha amniga guud ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ka dhaceyso doorashada kuraas kamid ah kuwa Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay in dhawaan isbedel weyn laga dareemi doono dhanka Amniga, islamarkaana ay wadaan howl-galo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, oo maalmihii dambe laga muujinayay walaac.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha in laamaha Amniga ay hayaan dad falal Amni darro ka geystay magaalada Boosaaso, kuwaas oo uu sheegay in dhawaan u soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Taliyaha Booliiska qaybta gobolka Bari ayaa ka dalbaday bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Ganacsatada inay muujiyaan feejignaan dhanka amniga ah, islamarkaana ay ka fogaadaan waxkasta oo caqabad ku noqon kara.

Ugu dambeyntiina waxa ku taliyuhu ku cel-celiyay in bulshada looga baahan yahay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, oo xiligan ku howlan xaqiijinta Amniga Boosaaso, oo kamid ah deegaan doorashooyinka ay ka dhaceyso doorashada.

Si kastaba, magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxaa lagu qabanayaa doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, ayada oo qaar kamid ah taageerayaasha musharaxiin la reebay ay kasoo yeerayaan hanjabaado culeys saaray qabsoomida doorashada.

The post Puntland oo war kasoo saartay amniga Boosaaso iyo dad loo qab-qabtay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this