Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo duqeeyay wershadda quwadda Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub+Maraykanka oo si adag uga hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka oo duqeeyay wershadda quwadda Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub

ukraine-4.jpg

Warshada tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia, ayaa gubatay subaxnimadii hore ee Jimcihii kadib markii ciidamada Ruushka ay ku qaadeen weerar, sida uu sheegay duqa magaalada Enerhodor.

Warshaddan oo sameysa 25% awoodda korontada Ukraine ayaa ku taal daanta webiga Dnieper oo 700 oo kiilomitir koofur-bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

“Natiijada duqeymaha joogtada ah ee cadowga ee dhismayaasha iyo cutubyada warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia ayaa gubaneysa” ayuu yiri Duqa magaalada Dnieper Dmytro Orlov.

Ciidamada Ruushka ayaa beegsaday xaruntaasi, iyagoo gantaal ku dhiftay mid ka mid ah lixda qeybood ee warshadda, inkasta oo warar dambe ay sheegayaan in dabku uu ka bilowday meel ka baxsan xayndaabka dhismaha, isla markaana ay u muuqatay in ammaanka warshadda lasoo celinayo, sida uu uu maamulaha warshadan u sheegay Telefishinka Ukraine 24, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka warshada Andriy Tuz ayaa u sheegay telefiishanka Ukraine in dab-dhaliyaha gubanaya uu ahaa mid uu dayactir ku socday oo aanu aheyn mid shaqaya. Tuz ayaa sidoo kale AP u sheegay inay aheyd in si degdeg ah dabka loo damiyo, laakiin waaxda dab damisku ay u dhawaan weysay warshadda. Dagaalku wuu sii socday, waxaana la toogtay dab-damiska, ayuu yidhi.

Mareykanka oo war cusub ka soo saaray Wershada Ukraine

Safaaradda Mareykanka ee kutaala Ukraine ayaa sheegtay in dambi dagaal ay tahay in la weeraro warshad tamarta nukliyeerka ah.

Mareykanka ayaa sido kale sheegay in Duqeymaha uu Putin ku hayo warshadda Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub ayaa tahay talaabo kale oo sii xumeyn karta duulaanka Ukraine lagu soo qaaday

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this