Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Aan Wali Ka Hadal Ujeedada Safarkii Uu Ku Tagay JABUUTI Iyo Tuhunnada Xeeran

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaan wali ka hadal ujeedada safaro is-xig-xigay oo uu dhawaan ku tagay dalalka aynu dariska nahay ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Qaar ka mid ah shacabka Somaliland gaar ahaan Dad wax ku qora baraha bulshada ayaa su’aalo iska waydiinaya safaradan uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti iyaga oo sheegaya in tuhuno badan ku xeeran yihiin.

Dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa ayaa si isku mid ah dhawaan madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu ka warbixiyo wixii uu kala soo kulmay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti walina madaxweynaha wax jawaab ah kama bixin baaqa shacabka, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this