Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Madaxweyne Deni oo xil u magacaabay Jeneral Maxamuud Diyaano

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa xil cusub u magacaabay taliyihii ciidanka PSF-ta Puntland Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano.

Jeneraal Maxamuud Diyaano oo mar hore diidmo iyo dagaal kala hor yimid xil ka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Deni ayaa maalmahaan wadahadal kula jiray Madaxweynaha iyo Isimada dhaqanka Puntland.

Sida muuqata xeerka Madaxweyne ee caawa lagu magacaabay Jeneraal Maxamuud Diyaano, waxaa labo loo kala qeybiyey ciidanka PSF-ta Puntland, waxaana loo magacaabay Agaasimaha qeybta kumaandooska amniga Puntland  ee (Puntland Security Commando Forces).

Sidoo kale qeybta gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces) ayuu Deni u magacaabay S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

“Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

 

 

The post DEG DEG: Madaxweyne Deni oo xil u magacaabay Jeneral Maxamuud Diyaano appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this