Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasadda Muuse Biixi: Itoobiyaanka ayaa Hargeysa kaga xaq badan Soomaaliga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Ra’yi) — Cinwaanka maqaalkani kuma salaysna buunbuunin ama ka beensheegid. Dhowaan Sheekh Cabdiraxmaan Dheere wuxuu dad uu wacdinayay u sheegay in dadka Itoobiyaanka ah oo la baray laba erey oo Soomaali ah si ay ugu hor dawarsadaan masjidyada ay tahay halis dhul ballaarsi. “Dad tukada ma aha” ayuu Sheekhu yiri, isagoo ku daray in dad reer Hargeysa ahi u sameeyeen kuwa dawarsada habka lacag-bixinta Saad. Dhowaan waxaa Hargeysa ka dhacday in gabar reer Hargeysa ah loo diiday warqad aqoonsi.

Madaxweyne Muuse Biixi wuu illowsan yahay in Biritishku ka diiday inuu dhul Soomaaliyeed ugu daro dhulkii uu qarsoodiga Xabashida ku siiyay waayo wuxuu ka cabsaday in dagaallo gobonimoddoon ah dib uga aloosmi karaan maxmiyadda Soomaalida uu gacanta ku hayay. Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Saleebaan Maxamuud Aadan waxay kobcinayaan dareen Soomaali kala fogeyn ah oo ay u arkaan dhaxal siyaasadeed ay ka tagi karaan.

IMG-20220303-WA0011-1.jpg?resize=480%2C4Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu dhiirrigeliyay siyaasad Itoobiyaanka kaga dawarsan karaan Hargeysa iyagoo sita habka SAAD.

Sidee naceybka intaa le’eg maamulka Somaliland u fidin karaa isagoo og in kala duwanaanshaha aragtida siyaasadeed aysan darbiyo ka kala dhex sameyn Soomaalida? Haddii, Eebbe kama dhigo, cadaw ajnabi ah soo weeraro waqooyiga waxa dhici doonta in Soomaalidu meel kasta ka soo gurmato si loola dagaallamo cadawga.

Waxaa habboon in siyaasiyiinta gabowday ay garwaaqsadaan in kala fogeynta Soomaalida uusan marnaba noqon karin jiscinka siyaasiga.

Halis weyn ayaa Soomaalida waqooyi soo foodsaareysa haddii siyaasiyiintu u dhaqmaan sida dallaal suuqa xoolaha ilmarooje kaga xoogsada. Dallaalku wax kala iibsi iyo wax kala iibin ayaa danta guud kala weyn. Kuma xuma dallaal, laakiin haddii siyaasigu garasho dallaal siyaasadda ku soo galo waxaa lumaya danta guud waxa dadku wada ilaashado sida dhaqanka iyo diinta.

Haddii siyaasiyiintu ka waantoobi waayaan kala fogeynta Soomaalida waa in indheergaradku ka hadlo kana hortago dhaxalguurinta ay siyaasiyiintu fududeynayaan.

M. D. Huruuse

The post Siyaasadda Muuse Biixi: Itoobiyaanka ayaa Hargeysa kaga xaq badan Soomaaliga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this