Deeq A. Posted March 3, 2022 Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomalaiya ayaa maanta waxaa lagu soo doortay lix kursi, kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuryadda federalka ah ee Soomalaiya. 1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#230 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Jaamac Taqal Cabaas, kaas 77 cod uga adkaaday musharrax Cabdi Cali Cumar, kaas oo 23 cod ka helay codadkii la dhiibtay majirin cod halaabay sida guddigu uu sheegay. 2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#253 :ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaan Aadan Maxamed Cali, kaas 70 cod kaga adkaaday musharrax Cabduqaadir Ibraahim Buule oo ka helay 21 cod guud ahaan codadkii Ergadu ay dhiibatay majirin cod halaabay. 3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#275: ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaan Ismaciil Iidow Maxamed, kaas 71 cod kaga guulaystay musharrax Cabdisitaar Xasan Cali uu helay 16 cod ka helay codadkii la dheebtay , waxaa halaabay 3 cod. 4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#183: ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaan Muqtaar Maxamed Guuleed, kaas 83 kaga guulaystay musharrax Xuseen Cali Aadan oo ka helay 16-cod guud ahaan codadkii la dhiibtay ,waxaa halaabay1cod. 5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#050: ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaan Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc) , kaas 80 cod kaga guulaystay halka musharax Maxamed Ibraahim Aadan 14-cod ka helay codadkii guud ee Ergada, waxaa halaabay3 cod. 6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#178: ayaa ku soo baxay xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Cali, kaas 70 cod kaga adkaaday musharax Bile Xasan 25 cod ka helay guud ahaan codadkii la dhiibtay manajirin cod halaabay oo kamid 90 Ergo oo joogtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites