Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoorqoor oo diyaarad ku yimid Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16463266459247844.jpg?resize=720%

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta galinkii dambe soo gaaray magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Gamudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo diyaarad uu ka soo raacay Dhuusamareeb ku yimid koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa soo dhaweeyay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee Galmudug, xildhibaano ka tirsan dowlada federaalka, maamulka degmada Gaalkacyo iyo kan gobolka Mudug, mas’uuliyiin kale iyo qeybo ka mid ah bulshada.

Safarka Madaxweynaha Galmudug ee Gaalkacyo ayaa la xiriira doorashada Golaha Shacabka oo todobaadka dambe ka bilaabanaysa deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Magaalada Gaalkacyo waxaa yaalla 11 kursi, waxaana 6 ka mid ah doorashadooda la qaban doonaa maalinta sabtida oo ku beegan 5 March 2022.

PUNTLAND POST

The post Qoorqoor oo diyaarad ku yimid Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this