Sign in to follow this  
Deeq A.

Seddex xadgudub sharciyeed ay hay’adaha federaalka Soomaaliyeed sameeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16463197381416661.jpg?resize=396%Si uu u raalli-geliyo dowladda Imaaraadka Carabta, Ra’iisal Wasaare Rooble wuxuu baalmaray sharciyadii Aqalka Hoose uu dejiyay oo wuxuu kaabayaasha qaranka u loogay shirkad dowlad ay leedahay.

Hay’adaha Federaalka uu muddo-xileedkoodu dhammaadka ku dhow yahay waxay galeen seddex gef oo saameyn ba’an ku yeelan doona siyaasadda Soomaalida muddo dheer haddii aan wax laga qaban. Go’aankii Cabdikariin Qalbidhagax loogu gacan-geliyay Itoobiya 2017kii gef siyaasadeed iyo mid dastuur buu ahaa, hase ahaatee waxaa ku gacan-sayray Baarlamaanka Federaalka (Aqalka Hoose). Ma jiro qof lagula xisaabtamay gacan-gecelinta sharci-darrada ah iyo ku tilmaamista ururka uu Qalbidhagax ka tirsan yahay “urur argagixiso).

Marka la eego sida ay u socoto diyaarinta doorashada, isku dayga in heshiis doorasho wax laga beddelo si kuraasta Gedo loo boobo, sida Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wareegto ama hadal ugu jabinayo go’aammo sharciyeed oo uu Baarlamaanku soo saaray, waxaa lagama-maarmaan noqonaysa in la isa su’aalo in xadgudubyadan siyaasadeed cusub yihiin iyo in kale.

Jawaabta oo kooban waa: xadgudyadu ma cusba. Seddex xadgudub ayay hay’adaha federaalka Soomaaliyeed galeen. Xadgudubka kowaad wuxuu dhacay 2019kii markii ergadii dowladda federaalka Soomaaliya, oo Jabuuti kula shiraysay ergo ka socotay maamulka Somaliland, ay oggolaadeen in “isu socodku” ka mid noqdo qodobbada laga wada hadlayay. Qodobkaas wuxuu u dhigmaa aqoonsi dadban. Barakicintii maamulka Somaliland sanadkii hore kula kacay dad Soomaaliyeed oo Laascaanood ku noolaa waxaa fududeeyey qodobkaas maamulka Somaliland awoodda u siiyay inuu dad Soomaaliyeed dhulkooda hooyo ka barakiciyo iyadoo ku doodaysa inay dal kale u dhasheen.

Xadgudubka labaad wuxuu dhacay kaddib markii Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ay ansixiyeen Sharciga Batroolka. Sharcigan waxaa ku jira qodobbo sahlaya in la musuqmaasuqo heshiisyada Dowladda Federaalku la gasho shirkadaha shisheeye. Waxaa ka mid ah qodobka awooodda baarista siinaya Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo ah hay’adda uu Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdantu taladeeda ku saxiixo heshiisyada. Waa sababta Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Axmed u saxiixay heshiis waxsoosaar wadaag dalka oo ku jira xaalad kala-guur. Weli xilkii ayuu hayaa inkastuu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble diiday sharcinimada heshiiska. Waa xadgudub hay’adaha sharcidejinta iyo fulintu sameeyeen.

Xadgudubka seddexaad wuxuu dhacay markii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble baalmaray go’aankii Aqalka Hoose ka soo saaray shirkadda DP World. Rooble wuxuu ballanqaaday sanadkan in dowladda federaalku u celin doonto Imaaraadka Carabta lacag ciidanka nabadsugidda Soomaaliyeed 2018kii ku qabteen gegida diyaaradaha Muqdisho iyo inuu hagaajin doono xiriirka labada dal. Waxaa xusid mudan in dowladda Imaaraadka Carabtu tahay milkiilaha DP World oo hadda si sharci-darro ah u maamusha dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Seddexdan xadgudub waxay astaan u yihiin u nuglaanta dowladnimada Soomaaliyeed kooxo ku adeegan kara iyo dejinta sharciyo lagu boobayo hantida qaranka Soomaaliyeed. Niyadjabka ugu weyni wuxuu ka muuqdaa aamuusnaanta siyaasiyiinta isu bixiyay “Mucaaradka” oo la filayay inay toosh ku ifiyaan xadgudubyadan ba’an oo ceel gun dheer ku ridaya rajada dib-u-yagleelista dowlad Soomaaliyeed oo aan sharciga ka sarreynin.


Salaad Cali, waa garyaqaan ku nool Kismaayo

The post Seddex xadgudub sharciyeed ay hay’adaha federaalka Soomaaliyeed sameeyeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this