Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Shariif iyo Larry Andre?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Larry Andre.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada dalka, dhameystirka iyo dardar-gelinta doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray caqabadaha hortaagan doorashooyinka iyo arrimaha amniga, xili ay Soomaaliya ku daah-day xaalada kala guurka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay Safiirka taageerada dowladda Mareykanka ku bixiso dhismaha nabada iyo geedi socodka dimuqraadiyada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay dalka kasii socoto doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan muddo kordhin u sameeyen Golaha Wada-tashiga Qaranka waqtiga lagu soo gaba-gabeynayo doorashadaas.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn isha ugu haya doorashooyinka Soomaaliya, isaga oo dhowr jeer ku goodiyay tallaabooyin ka dhan ah madaxda Soomaalida, dhawaana qaaday go’aano daba socda arrintaas oo ka dhan ah qaar kamid ah madaxda iyo siyaasiyiinta.

shrf01.jpg?resize=696%2C928&ssl=1 shrf02.jpg?resize=696%2C928&ssl=1

The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Shariif iyo Larry Andre? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this