Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan M/weyne Biixi & Komishanka Doorashooyinka dhexmaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Nuxurka Kulan M/weyne Biixi & Komishanka Doorashooyinka dhexmaray

 komishan.jpg
Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa la filayaa in ay dhawaan bilaabaan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha Somaliland.
Komishanka doorashooyinka oo la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, iyada oo wararku xuseen in Madaxweynuhu u soo jeediyey in ay bilaabaan hawlaha diiwaan gelinta, madama oo ay Komishanku madaxweynaha u sheegeen in aanay jirin wax ka qabyo ah dhinacooda.
Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa la filayaa in maalinta Axadda ah ay isugu yeedhaan Saddexda Xisbi si ay isla meel dhigaan wakhtiga rasmiga ah ee la bilaabayo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.
Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii u dambeeyey dhinacyada Siyaasadda ee Somaliland ku cadaadinaysay in ay hawlaha doorashooyinka ee taagan dhaqaajiyaan oo aanu muranka taagani saameyn hawsha diiwaan gelinta ee hore loo bilaabo, maadaama oo wakhtigi cidhiidhi yahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this