Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Yaa ku soo baxay doorashada maanta ka dhacday BAYDHABO?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#253 iyo Hop#178 ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1-Aadan Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#253.

2-Cabdulaahi Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#178.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee maanta loo qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

274774865_168107712218502_41807995318395 274859761_168109475551659_32609448728243275012002_168109802218293_14213596094802

The post Sawirro: Yaa ku soo baxay doorashada maanta ka dhacday BAYDHABO? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this