Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo si buuxda u taageertay qaraar ka dhan ah dowladda Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaramada.png?resize=1000%2C563&ssl=1

Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay qaraar ka soo baxay golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan canbaareynta weerarka Ruushku ku qaaday Ukraine.

141 dal oo Soomaaliya ku jirto ayaa u codeeyay qaraarkaas oo ku baaqaya in Ruushku Ciidamadiisa kala baxo waddanka Ukraine.

5 dal ayaa diiday qaraarka halka ay ka aamuseen 35 waddan oo ay ku jirto dowladda Shiinaha.

Tirada golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka kooban 193 waddan.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo si buuxda u taageertay qaraar ka dhan ah dowladda Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this