Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo U Codeysay Qaraar Lagu Cambaareeynayo Dowladda Ruushka + Eritrea Ka Soo Horjeestay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid noqotay 141 waddan oo ka mid ah 193 waddan ee xubnaha ah Golaha Guud ee Qaramda Midoobay, inta lagu guda jiray kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ahaa mid degdeg ah kaasoo loogu codeeyey qaraar cambaaraynaya duullaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine. Cod-bixinta ayaa shalay dhacday xilli uu kulan khaas ah yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wadamada kale ee qaraarkaasi taageeray waxaa ka mid ah Mareykanka, waddamada Midowga Yurub iyo kuwo kale oo ka tirsan qaaradda Asia.

Qaraarka waxaa ka soo horjeestay shan waddan oo kala ah Ruushka, Eritrea, Syria, Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus, halka ay ka aamuseen 35 wadan.

Qaraarka ayaa ku baaqaya in dowladda Ruushku ay joojiso gulufka millatari ee dalka Ukraine ay ka waddo, islamarkaana ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaasi.

Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii codka qayaxan ee veto saartay qaraar kan la mid ah oo la horkeenay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya ayaa wuxuu kulanka ka sheegay in Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine.

Waa kulankii ugu horreeyay oo degdeg ah oo goluhu isugu yeeray xubnaha tan 1997 kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this