Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa fiidkii deegaanka Milxo oo ka tirsan gobolka ay la wareegeen Al-shabaab, kadib dagaal ka dhacay deegaanka, wararku waxaa ay sheegayaan in si buuxda ay u qabsadeen.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo deegaanka weerar ku qaaday ayaa waxaa ay iska caabin kala kulmeen dhallinyaro ku sugnaa deegaanka oo dagaal kala horyimid, waxaana markii dambe usuurto gashay in ay guud ahaan deegaan Milxo la wareegaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in isgaarsiinta deegaanka ay go,day, waxaana si dhab ah loo ogeyn dagaalka khasaaraha uu dhaliyey maadaama xiliga la dagaalamay ay tahay xili habeen ah, sidoo kalena aysan jirin isgaarsiinta deegaanka Milxo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this