Deeq A. Posted March 2, 2022 Kulankii u dambeeyay ee Galabta dhexmaray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii PSF Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa isfaham hordhac ah laga gaaray, sida ay xaqiijinayaan dad lagu kalsoonyahay. Madaxweyne Deni iyo Gen. Maxamuud Cismaan, oo yeeshay kulan albaabadu u xiran yihiin ayaa qayb-ahaan isfaham ka gaaray khilaafkii ka dhashay hay’adda PSF, ee sababay dagaalladii ka dhacay magaalada Boosaaso. Labad dhinac ayaa ku ballamay kulan kale oo lagu dhammaystirayo isfahamka hordhaca ah ee laga gaaray Arrinta PSF, si loo xalliyo Khilaafkii jiray. Warar qaar ayaa sheegaya in ugu danbayn maalinta Jimcaha lagu wado in labada dhinac ay gaaraan heshiis dhammaystiran. PUNTLAND POST The post Isfaham hordhac ah oo laga gaaray Arrinta PSF appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites