Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dagaal ku qaadday degaan ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa goor dhowayd weerar culus ku qaaday degaanka Milxo oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Wararku waxay sheegayaan in halkaas hadda uu ka socdo dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo dad hubaysan oo difaacaya degaankaas.

Faahfaahin sugan weli lagama hayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka.

Dhinaca kale ciidamo taageersan Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa jid-gooyo dhigtay laamiga Ceel-daahir waxayna hakad geliyeen isu socodka gaadiidka.

Gaadiid badan ayaa haatan ku xanniban labada dhinac ee Laamiga Ceeldaahir.

Dowladda Punand weli kama hadlin dhacdooyinkaas.

PUNTLAND POST

The post Al-Shabaab oo dagaal ku qaadday degaan ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this