Sign in to follow this  
Deeq A.

“Dawlada Hoose Anigaba Way Ii Diiday Kaadhka Dhalashada…” Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Qorsheynta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Hoose Anigaba way i diiday !

Asalaamu Calaykum

Nin aanu walaalo nahay oo Garyaqaan ah ayaa u baahday waraaqda dhalashada ee Dawlada hoose ay bixiso sanadkii 2016,  badi shaqaaluhu way garanayeen walaalkay iyo dhamaan  qoyskayagaba , hadana way u diideen inay siiyaan waraaqdii dhalashada  oo waxay ku  yidhaahdeen Caaqilkaaga soo kaxayso, xafiiskii isaga oo la jooga ayuu ila soo hadlay oo uu igu yidhi Shaqaalaha u sheeg inaan Walaalkaa ahay adiga ayaa Wasiir    ku xigeena oo dawlada ku jira oo ay ku garanayeene, taleefankii intaan kula hadlay ayaan ku idhi ninkaas Garyaqaan Siciid Cabdillaahi Maxamed waa walaalkay, anigaana masuuliyadiisa qaadayee fadlan u sameeya waraaqda dhalashada idinkuna waad garanaysaane.

Waxay igu yidhaahdeen anaga oo ku garanayna oo walaalkaana garanayna, hadana waxaanu u baahanahay Caaqilkiinii ee fadlan caaqilkiinii ha soo kaxaysto markaas ayaanu siin doonaa waraaqda dhalashada.

Run ahaan aad ayaan ugu bogay go’aankooda uguna hambalyeeyay sida ay shaqadooda ugu salaynayaan xeerarka loo dhigay inay raacaan ee aanay cidna uga haybadaysanayn ilaalinta nidaamkooda shaqo.

Walaalkay waxaa qasab ku noqotay inuu Caaqilkii Bahdaylo ee Jilibkayaga oo la yidhaa Caaqil Cali Jaamac uu soo  kaxaysto, ka dibna la soo siiyo waraaqdii dhalashada ee uu u baahnaa.

Hadaba dadka ka dhigaya in si gaar ah loo beegsaday Inantii Warbaahinta ka hadashay, ha ogaadaan in Shaqaalaha Dawladu ay raacaan qawaaniinta Dalka u degsan, oo aan cidna si gaar ah loo beegsan.

Aniga oo ahaa Wasiir ku xigeen dawlada ka tirsan iyo walaalkay oo ay garanayeen ayay nagu qasbeen inaanu Caaqilkii reerka keeno, taasina waxay markhaati ka tahay inaan cid gaar ah la beegsan ee ay tahay dariiqa loo dejiyay inay raacaan Shaqaalaha Dawladu.

Waxa qoray: Kaysar Maxamed Wasiir ku xigeenkii hore ee Qorsheynta Somaliland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this