Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddiga loo xil-saaray qiimeynta Garbahaarey oo qaaday tallaabadii u horeysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan xaalada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa guda-galay shaqadiisa, sida lagu shaaciyey qoraal uu baahiyey xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Guddoomiyaha Guddigaas loo xil-saaray soo qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Cumar Maxamed Cabdulle ayaa galabta la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Madasha Wadahadalka Soomaaliyeed (Somali Dailogue Plattform).

Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan guddigaas ayaa madashaas u gudbiyey qorshe howleedka guddigaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble. Guddoomiyaha oo Madasha faahfaahin dheer ka siiyay qorshe howleedka guddigiisa ayaa ka codsaday inay ku gacan siiyaan fulinta howshaan qiimeynta ah.

Magaalada Garbahaarey ayaa shaki xoog leh la geliyey in lagu qaban karo doorashada kuraasta taalla, waxaana guddiga uu u xilsaaray Rooble laga doonayaa in ugu dambeyn 5-ta bishaan ay Garbahaarey ka keenaan warbixin dhameystiran.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu balamay in la soo gaba-gabeeyo 15-ka bishaan, waxuuna culeyska ugu weyn ka taagan yahay Garbahaarey oo 16 kursi ay taallo.

Jubbaland waxay si cad u sheegtay in Garbahaarey aan doorasho lagu qaba Karin, maadaama aysan ku jirin gacanta maamulkaas oo ay joogaan ciidamo toos u hoos taga madaxweynihii hore Farmaajo.

cabdiraxmaan-Ceynte-caynte-abdirahman-ay

274696656_304282445134242_34875658761618 274724043_304282511800902_28667801984142 cabdiraxmaan-Ceynte-caynte-abdirahman-ay guddiga-garbahaarey-1.jpg?resize=696%2C4 guddiga-garbahaarey.jpg?resize=593%2C395

The post Sawirro: Guddiga loo xil-saaray qiimeynta Garbahaarey oo qaaday tallaabadii u horeysay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this