Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad Kala Socota Arrimaha Dhiig-karka Ku Kiciya Xukuumadda Madaxweyne Biixi?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo oo laggu tilmaamo inay tahay Xukuumaddii Somaliland soo maray soddonkii sannadood inay tahay midda ugu nugul,isla markaana aan u adkaysan dhaliilaha mucaaradku ujeediyaan gaar ahaana marka ay ka hadlaan wax ka qabashada duruufaha kale duwan ee shacabka ku gedaaman wakhtigan,kuwaas oo ay si weyn uga gubato.

Haddaba Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa waxay ka xanaaqdaan inta baddan,waxa kamid ah wax ka qabashada Abaaraha iyo biyo la’aanta,waxaanay masuuliyiinta Xukuumaddu ay inta baddan uga gubtaan arrintan si weyn,iyagoo sida caadada u ahayd ay ku tilaamaan dadka arrintan ku dhaliila inay yihiin waxay ku sheegaan cadowga Somaliland “Arinta abaaraha inagu waxaynu ku ladanahay daaqii xoolaha ayaynu wali haysanaa, dad badani siday wax u sheegayaan wax uma jiraan. Waxaad maqlaysaa iyadoo la leeyahay dad baa u dhintay abaarta hadana beenoobaysa.” Madaxweynaha Somaliland ayaa yidhi.

Wasiirka Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryayn Cabdilaahi Abokor ayaa isna isagoo u jawaabaya dadka iyo war-baahinta Sicir Bararka iyo xaalada abaarta dalka ka hadasha ayaa yidhi sidan :-” Kooxo qarsoon oo Baraha Bulshadda Somaliland ku nool oo Computer iyo mobile markasta Gacanta ku haya , Warbaahin (TV) Hal-abuurka leh , iyo Masuuliyiin warmooga ah oo laga faaiidaysto dareenkood , waxaa lagu bixiyaa kharashaad badan , taas lagu khatar galinta Amniga iyo kalsoonida Bulshadda kuwaas loogu yeedho (C.B.B)”ayuu ku yidhi qoraalkiisa

Isagoo intaas ku sii darray “Kooxda C.B.B waxay si guracan uga warbixiyaan Xaaladda Abaarta iyo Sicir bararka Somaliland, waxay daboolaan Gurmadka Xukumadda,Ganacsatadda, Culimadda, iyo Saxiibadda Somallan.”ayuu yidhi

Sidoo kalena Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa waxay ka xanaaqdo waxa kamid ah marka lagga hadlo sicir barar ,isla markaana loogu baaqo inay wax ka qabato sicir bararka,taas oo ay si weyn uga gubata “ma jiro sicir barar dalka ka jiraa,waxa dadka abaabulaya ee waxan samayna dad dadka kicinaya.. ” ayuu yidhi Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa isna sheegay in Ganacsatadu ay helaan hadda macaashka ugu yar waxaanu meesha ka saaray isna inuu jiro sicir barar “Ganacsatadu hadda waxay helaan macaashka ugu yar, mana jiro sicir barar hadda dalka “ayuu yidhi wasiir Saajin.

Isku soo wadda duuboo Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa si weyn uga damqata marka laggu dhaliilo wax ka qabashada Sicir Barar baahansan ee dalka ka jira iyo xaalada abaareed iyo arrimaha kale ee taabanaya nolasha dadka,waxaanay ku doodaa in dadka arrimahaas ku dhaliilaa inay yihiin waxay u taqaan cadow Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this