Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan Saaka Dhexmaray Biixi Iyo Cirro Maxay Ka Wada-Hadleen??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi & Murashax Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa maanta markale ku kulmay Hargeysa. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka & hanaankii loo dardar gelin lahaa. Waxaa laysku afgartay in hore loo wado tallaabooyinka loogu dhowaanayo dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.

Dhanka kale Madaxweyne Biixi oo dhowaan safar u ah Maraykanka ayaa Dr Cirro, kala sheekaystay arrimaha dibloomaasiyada & hanaanka uu ugu caawan lahaa in Somaliland libin ka keento fagaarayaasha dunidda.

Dr Cirro, oo haysta khibrad dublomaasiyadeed in ka badan 30 sanno ayaa Madaxweyne Muuse u dardaarmay in uu caalamka la hortago weji furan iyo siyaasad ilbaxnimo ku dhisan.

Waa kulankii labaad ee muddo laba isbuuc gudahood ah Madaxweyne Biixi la yeesho Murashax Cirro.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this