Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabbaa In Uu Fashilmay Mashruucii Biyo-gelinta Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Mashruucii Biyo gellinta Magaalada Hargeysa ayaa u muuqda inuu gebi ahaan-ba fashilmay,waxaana soo baxaya tuhuno kale duwan oo mashruucaas la xidhiidha,kuwaas oo sheegaya in mashruucaas uu maray jid mashaariicdii hore ee fashilantay ee biyo gelinta Magaalada Hargeysa.

Guddomiyaha Xisbiga UCID ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbigaas oo ka hadlay ayaa sheegay in mashruucaas uu u muuqdo mid maray jidkii mashruucii biyo gelinta ee xubo weyne “Waxaan akhriyey war-bixin Somaliland lagga qoray UN-ta, taas oo laggu sheegay in aan Somaliland mashruuc socda aanay dhammastiran karrin,isla markaana aanay mashaariic dalban karrin ,weynu ognahay inta Mashruuc ee inagga fashilmay,taas oo ay sabab u tahay aqoon darro iyo maamul xumo ,imaraadku waxay ina siisay ilaa kontan milyan oo dollar ($50 Milyan dollar ) oo biyihii xubo weyne wey innaga fashilantay,”ayuu yidhi .

Faysal oo ka hadlay Mashruuca biyo gelinta ee geed deeble ayaa yidhi “Kuwii iminka lagga soo wadday geed deeble,lixdan Milyan oo dollar in ka baddan ayaa ku baxaysay welina waad ogtihiin oo fari kama qodna ,waxaasina waa tayo xumo ,hoggaan xumo,maamul xumo iyo aqoon darro cudur ka weynin ma jirto, “

Dhanka kalene Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka hadlay isna mashruucaas ayaa sheegay in lacagta intii badnayd la isticmaalay, isla markaana aanay weli muuqan rejo ah in Hargeysa biyahaas ay ka cabayso “Lacag 48.6 milyan oo doolar ayaa biyaha haragaysa la galiyay inteedii badnaydna hawl gashay,Walina lama yaqaan waqtiga rasmiga ah ee Caasimadeenu biyo helayso”ayuu yidhi Xildhibaan Abiib

Siyaasi Xamse Jiidali oo ka hadlay mashruuca biyo gelinta Hargeysa ayaa sheegay in mashruucaas fashilmay “Wuu ku fashilmay Maareeyuhu Mashruucii biyo ballaadhinta Hargeysa,waxaan leeyahay Madaxweyne u kuurgal halka u maray mashruucaasi, shacabka reer Hargeysana waxa aan leeyahay darreenkiina muujiya oo fadhiga ka kaca.”

Geesta kalene shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa oo la hadlay Horyaal tv ayaa iyana walaac ka muujiyey arrintan waxaanay sheegeen sidan “Hargeysa 16 Dawladood ayaa lacag keenay si biyo loo gaadhsiiyo Magaalada, Jarmalka ayaa bixiyey imaaraadka ayaa bixiyey, annigu waxaan ahaa kuwii soo raray riiggaga oo imaraadka ayaan joogay ilaa haddana wax biyo ah may heli Magaaladu, Biyo ay keenaan magaalada ha joogtee intay godad qodeen ayey nagaga taggeen oo waddooyinka ayey jar-jareen.. “

Waxay intaas ku sii darreen”Biyo la’aanta Hargeysa wey soddon jirsatay mar kasta waxa la yidhaah Mashruuca Biyaha waa la ballaadhinayaa haddana wax-ba kama hirgalaan ,kana wuxuu lamid yahay mashruucyaddii hore ee fashilmay oo rejo kama qabno.”ayey sheegeen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this